You are here

Back to top

Kasdareen. The Holistic Psychology (Paperback)

Kasdareen. The Holistic Psychology Cover Image
$20.00
Usually Ships in 1-5 Days

Description


Miyaysan ahayn arrin la-yaab leh in aynnu dhigannay taariikh, xisaab, iyo juquraafi, balse aynnu seegnay fasalkii ahaa sida loogu noolaado nolol wanaagsan? Miyuuse jiray fasalkaas horta? Ka warran haddii aan ku dhaho fasalkaas casharradii lagu dhigi lahaa waxaad ka dheegan kartaa dhiganahaan, waxaana macallimiin kuu noqonaya Epictetus, Martin Seligman, B. J Fogg, Mark Hyman, Kelly McGonigal, Matthew Walker, Cal Newport, Kristin Neff iyo Wallace D. Wattles


Sannaddii 2007 ayaa waxaa ila soo daristay murugo xanuun badan oo igu qasabtay in aan buugaagta ka raadiyo nafis iyo wehel, si aan uga baxsado ciriiriga dhul iyo midka seben ee aan dareemayay. Waxaa halkaas ka bilowday safarkaygaygii qaarinnimada, walow aan yaraantaydii jecelaa akhriska iyo qoraalka. Ma ahayn ruux akhriya buug kasta oo ay dadku ii faaniyaan ama maktabadda yaalla ee waxaan akhrin jiray uun mowduucyada aan xiiseeyo.

Muddo markii ay buugaagtu ii ahaayeen barkin ayaan is-weydiiyay culuumtaan aad habeen iyo maalin ku cayilinayso caqligaaga oo aad ku quudinayso qalbigaaga, goorma ayaad wax ka qori ama bulshada uga faa'iideyn, inta ay naftu kaa nuuxnuuxsanyso? Aniga oo og in aanay dadkaygu jeclayn wax akhriska ayaan 2016 bilaabay in aan Youtube-ka ku baahiyo muuqaallo koobkooban. Nasiibwanaag, 2019 waxaan ka mid noqday dadkii ka badbaaday caabuqii Covid-19. Xabsi-gurigii uu cudurku igu xukumay ayaa waxaa ka dhashay in aan ku curiyo KASDAREEN.


Product Details
ISBN: 9781912411658
ISBN-10: 1912411652
Publisher: Looh Press
Publication Date: September 3rd, 2023
Pages: 336
Language: Somali