You are here

Back to top

Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (Paperback)

Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika Cover Image
$13.00
Email or call for price

Description


Bogaanshaha taariikhda iyo caqiidada shiicadu waxay noqdeen xilliyadan dambe lama huraan marka la eego aqoonta yar ee ay ummadda Muslimka ahi u leedahay, gaar ahaan bulshweynta Soomaaliyeed. Sidoo kale, faafitaanka xawliga ku socda ee caqiidada iyo siyaasadda Shiicada, kuwaasoo ku fidaya xoog iyo xeelba, ayna daadihinayaan dawlad, waa Iiraane, iyo shacabkeedii oo isku duuban, waxay u baahan yihiin baraarug iyo feejignaan ilaa heer ummadeed ah.


Qormadan kooban waxay isku dayeysaa inay wax ka bidhaamiso jawaabaha weydiimahan soo socda:

- Waa maxay sooyaalka Shiicada?

- Maxay bulshada shiicada ahi rumeysan tahay?

- Waa sidee qaab-dhaqankooda siyaasadeed iyo midka diineed ee ay dadka Muslimiinta, Sunniga ah kula dhaqanto?

- Ma jirtaa wax xog ah oo la cuskan karo oo muujineysa jiritaankoodii Geeska Afrika iyo Soomaaliya?

Cilmi-baaris la sameeyey, si jawaab loogu helo isweydiimahaa kor ku xusan, waxay soo bandhigeysaa taariikhda madow iyo caqiidada silloon ee kooxda shiicada. Sidoo kale, qorshaha dahsoon ee ay dawladda Shiicada ee Iiraan u degsatey sidii ay u shiiceyn laheyd bulshada Muslimiinta, Sunniga ah. Dhanka kalena, dibindaabyada sir iyo saaqba leh ee ay ka dhexwaddo Muslimiinta. Waxa kale oo ay qormadu wax ka tilmaameysaa sooyaalkii shiicada ee Geeska Afrika.


CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Hadda wuxuu ku hawllan yahay sidii uu u soo saari lahaa labo buug oo cusub oo mid ka mid ahi yahay sheeko ku saabsan qiso run ah oo dhacday.


Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.


Product Details
ISBN: 9781912411313
ISBN-10: 1912411318
Publisher: Looh Press Ltd
Publication Date: August 2nd, 2021
Pages: 150
Language: Somali